Sida aan dhowr jeer oo hore idiin soo gudbinayba waxaa guud ahaan Ogadeniya kajira abaaro saameeyay dadka iyo duunyadaba kuwaas oo kadhacay daraf kasta oo wadanka ah.

Sida warku sheegayo waxaa meelaha ay abaaruhu saameeyeen ugu daran waa gobolka Doolo, Qorahay, Libaan, iyo gobolka Afdheer, waxaana lasheegayaa in abaartu ay hada kasoo gudubtay xoolihii iyadoo lasheegay in ay dadku layihiin biyo iyo baad toona.

Dhinaca kale dowlada Federalka Itoobiya iyo kuwa u adeega ayaa kumashquulsan dhaqaale boob iyo looltan dhinaca awooda ah waxayna dhaqaalaha wadanka u adeegsanayaan sidii ay cimriga ugusii dheeraysan lahaayeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.