Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in ururka Al Shabaab ay afduubteen dhaqaatiirta u dhalatay waddanka Cuba ee shalay laga soo afduubtay duleedka Magaalada Mandera ee gobolka NFD.
Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen duleedka magaalada Mandheera.
Lama yaqaan xaaladda uu ku sugan yahay sarkaalka labaad ee booliska. Hase yeeshee, ururka Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay dhulka Somalida ay Kenya Gumaysato loo yaqaano NFD.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.