Goobta kaliya ah ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Isniintii la xiray.
Waxaa furnaa oo kaliya ah deegaanka ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Bure-Assab.
Lamana garanayo sababta ka dambeyso in la xiro xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxaa gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka.
Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya kaddib 20 sanno oo ay ka dhex taagneyd dagaall dhanka xadka ah.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.