Orodyahanka afarta jeer ku guuleystey billada dahabka tartanka Olombikada ee Mo Farah iyo Orodyahanka Haile Gebrselassie ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay tuuganimo ka dhacday hotel uu leeyahay Gebrselassie oo ku yaal magaalada Addis Ababa.

Farah oo u orda wadanka Britain balse asalkiisu uu yahay Somali ayaa sheegay in laga xaday lacag,saacad iyo labo taleefanka gacan qaadka qolka uu degenaa balse uusan wax kaalmo ah ka helin Gebrselassie oo ah milkiilaha hotelka.

Hase yeeshee Gebrselassie ayaa beeniyay in hotelkiisa ay ka dhacday tuuganimo waxana uu ku eedeeyay Farah qayaano iyo inuu doonayo inuu sumcadiisa ku ciyaaro.

Mo Farah ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah uu degenaa Hotelk uu leeyahay Gebrselassie xilli uu tababar ku qaadanayay dalka Ethiopia lagana xaday lacag,mobaylo iyo saacad 23kii bishii March ee sanadan.

Hase yeeshee Wakiil u hadlay Gebrselassie ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo sidii uu tallaabo sharci ah uga qaadi lahaa Farah oo eedeyntan soo jeediyay xillu uu ku sugnaa dalka Britain.

Gebrselassie ayaa sheegay in dadka hotelkiisa dega la weydiiyo marka ay soo degayaan in ay cadeeyaan lacagaha kaashka ah oo ay wataan wixii ka badan 350 dollarna la weydiisto in ay u dhiibtaan hotelka si loogu hayo,balse uu Mo Farah diiday inuu u dhiibto lacagaha uu watay hotelka.

Gebrselassie, ayaa sidoo kale sheegay in hotelkiisu uu qiime dhimis boqolkiiba konton ah u sameeyo Farah balse uusan bixin lacagihii lagu lahaa oo uu iska tegey.

Khilaafkan soo kala dhex galay orodyahanadan caanka ah ayaa ah mid ugub ah illaa iyo haddana ma jirto cid ka madax banaan oo dhex gasha si khilaafkooda loo xaliyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.