Wararka naga soo gaadhaya Ogadenia gaar ahaan degmada Candhufo ee gobolka Shiniile  ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay xidheen 14 dad shacab ah.

Dadkan uu gumaysigu xabsiga u taxaabay ayaa waxaa kamida ah haween iyo dad wayeel. Waxayna kusoo uruuriyeen xero ciidan oo ku taalada degmada Candhufo.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay laban laabeen bar yahan dambe dhibaatadii ay ku hayeen dadka rayad ka oo xitta waxba galabsanin.

Halgan Media waxaay heshay magacyaada Qar kamid dadka la xidhay, waxaana kamid ah

  • Cabdi Darar
  • Nimco Cumar
  • Maxamed Farah
  • Cabdillahi Cabdallah

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.