Qarax la sheegay in uu ahaay Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dad ka ag dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in uu haleelay Gaari cabdi-bile ah oo ay wateen Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, iyagoo sheegay in ilaa Afar Askari ay ku dhinteen qaraxaas, sidoo kalana ay arkayeen dhaawacyo soo gaaray Askartii kale ee la socotay gaariga uu qaraxu haleelay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxeyna warkooda ku sheegeen in ay ku dileen 5 Askari oo ka tirsanaay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.