Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobolka Shiniile. Howlgalladan oo ah kuwa xoogan ayaa waxa ay si gaar ah ciidanku ay uga wadaan degmada Candhufo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in jirdil iyo dhibaatooyin kale ay u geysteen dad reer Miyi ah oo ku suganaa degmada Candhufo. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay barakac ka bilaabeen halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.