Wararka ka imaanaya gobolka Sitti ayaa sheegaya in maanta Ciidamada gaarka Liyuu Booliska ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Cundhufo, Cadayti iyo Garbo Ciise ee galbeedka gobolka Sitti.
Ciidanka ayaa weerar ku qorsheysan ku qaaday
deegaankaasi, iyagoona gacan ku heynta kala wareegay maleeyshiyaadka Canfaarta oo sii sharci darro ku joogay gobolka Sitti.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaano kale oo ka tirsan galbeedka gobolka Sitti.
Ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in Liyuu Booliska ay hadda kaabiga ku hayaan degmooyinka oo dhaan Ku yallo xadka gobolka Sitti iyo Ismaamulka Canfaarta.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.