Maleeyshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yamen ayaa lagu soo waramaya in ay weerarro ka geysteen maalmahi lasoo dhaafay gudaha Sacuudi Carabiya.
Weerarada ay qaadeen ayaa isug jira kuwa ay u adeegsanayeen gantaalada ridada dheer iyo diyaradaha aan cidina wadin ee Drones-ka, weeraradu waxay geysteen khasaare u badan mid hantiyeed.
Weerarki ugu danbeeyey ayey u adeegsadeen diyaaradaha yaryar ee Drones-ka waxayna ku qaadeen mid kamid ah goobaha shidaalka laga soo saaro.
Weerarkaas oo aan geysan khasaare nafeed ayaa sababay in ay waxyeello soo gaarto mid kamid ah dhuumaha shidaalka qaada. Xuutiyiinta oo gacanta ku haya inta badan dalka Yemen ayaa iminka dagaalkooda u weeciyey dhanka Sacuuidga.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay jawaab kulul ka bixin doonto weerarka ay Xuutiyiintu ku qaadeen dhuumaha shidaalka Sucuudiga.
Laakiin Sucuudiga wuxuu aamisan yahay in dhulka lala simo Dowladda Iran oo taageero muuqata siisa kooxda Xuutiyiinta iyo kooxo kale oo shiico ah.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.