Wararka nagasoo gadhaya tuulada Ma’ayso ee gobolka Shiniile, galbeedka Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaad Oromo ay kusoo duleen xoolo daqaato Somaliyeed.
Muwaadin kusugan degaanka ayaa Halgan Media uu sheegay markii ay maleeyshiyaadka Oromada ay kusoo duleen xoolo daqatada Soomaalida, waxaay mageen inay xoolo kadhacaan lakiin shacabka Somaliyeed waay iska ceeliyeen maleeyshiyaadka iyo dagaal ayaa kabilaamay degaanka. Hal niin katirsan maleeyshiyaadka Oromada ayaa kudhintay dagaalka.
Kadib markii ay maleeyshiyaadka Oromada ay weerarka soqaadeen, waxaa goobta soo gaadhay ciidanka gumeysiga itoobiya oo laa kulmay odayasha degaanka. Ciidamada gumeysiga itoobiya waxaay odayasha kacoodsaden inay dhibaan niinki dilaay maleeyshiyaadka Oromada, sii loo wareejiyo mamuulka Oromada iyo laa maxkamadaayo. Odayasha degaanka waay kuhoor jesteen amarka.
Kabacdii ciidamada gumeysiga itoobiya waxaay isku dayeen inay sii xog ay kuxidhan wiilka Soomaalida oo dilaay maleeyshiyaadka Oromada. Shacabka kunool degaanka Ma’ayso dagaal culus baay lagaleen ciidamada gumeysiga itoobiya. Hal qof oo Somali ayaa kudhintay dagaalka
Muwaadinka ay ciidanka gumeysiga itoobiya dileen ayaa magaciisa naloogu sheegay Cabdirasaaq Maxamed Cali.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.