Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.

Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Mustafa Cagjar. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Mustafa Cagjar, kuwaas oo ay kaga cabanayeen maamulkiisa.

Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Halgan Media u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen hoggaanka Jubbaland.

Xaaladda Wardheer ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda gudaha magaaladaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.