Wararka naga soo gaadhaya Waqooyiga Itoobiya  ayaa waxay sheegayaan in dagaal adag uu dhexmaray ardayda wada dhigata jaamacada Axum ee kasoo kala jeeda qoomiyadaha Tigreega iyo Axmaraada.

Dagaalkan ayaa wuxuu sababay khasaaro labada dhinacba ah waxaana la isu adeegsaday tooriyo iyo budhadh ayadoo laba dhinacba ay soo gaadheen dhaawacyo waxaana yimid goobta jaamacada askar ka tirsan gumaysiga Itoobiya kuwaasi oo bandow kusoo rogay jaamacada.

Ugu yaraan waxa dhintaay hal qof iyo sedax kale oo dhawaac gadhaay. Jaamacada Axum ayaa waxay ku taalaa magaalada Axum ee Gobolka Tigreega waxaa wali ka socda jaamacada shaqaaqo balaadhan oo u dhaxaysa dhalinyarada kasoo kala jeeda qoomiyadaha Itoobiya gaar ahaana Tigreefa iyo Axmaarasa. Waxaana marba marka ka danbaysa kasii daraya colaada u dhaxaysa guud ahaan Qomiyadaha kala duwan ee ku hoos jira Gumaysiga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.