Madaxwaynaha Gobalka Tigrey aya manta isago joga Magalada Makeele isago hortaagan Parlaman gobaleedka Tigrey shegay in Itoobiya ay qarka usaran tahay inu dagaal ka qarxo.

Debretsion Genremichael ayaa ushegay Parlaman kiisa” Dagaal ban kujirna, hadii Xata dadka kale ay umaleeyan in wadanku uu Nabad yahay. Wuxu intaa sii raaciye, Bilo ka hor Waxan shegay in wadanka uu cidhibta saaray dhanka Dagaalka iyado u eg in dagaal sokeeyo uu bilaaban doono, waxaana la yaabanahay buu sii raaciyey Waxaan la yaabanahay doqonimada ay Dawladaha Carabta iyo Reer Galbeedku kasii daawanayan Arintan.

Hadalkan kaso yeeray Madaxwaynaha Gobalka Tigrey ga aya cadaynaya in Xaalada Itoobiya ay meel xun marayso. Qoomiyadaha kala duwan ee Ethiopia aya iyagu hub diyaarsanaya iyago isu diyaarinaya Haday Ethiopia Wax ka dhacan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.