Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo aadeegsaday Bam Gacmbeed oo xalay lagu qaaday Hotel ku taalla magalaada Neketeme ee ismamuulka Oromada..

Goobjooge la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa waxuu sheegay in qaraxa kadib la maqlayay rasaas xoogan oo ay fureen ilaalada Hotel-ka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintaay hal Qof iyo 9 kale oo ku dhaawacmay qaraxa. Wararka ayaa sheegaya in dableydii ka dambeysay weerarkaasi Bamka ahaa in ay isaga baxsadeen goobta.

Maalmihii lasoo dhaafay falalka liddiga ku ah amniga ayaa kusoo badanayay Ismaamulka Oromada iyo gud ahaan Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.