Wararka nagasoo gadhaay gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in la Xiray Guddomiyaha Degmada Nekemate iyo masuuliyin kale oo katirsan Mamuulka magalaada.

Illaa iyo hadda ma cadda Sababta ay Ciidamada Federalka Itoobiya xadhig u geysteen guddomiyaha degmada Nekemate, Bogale Shuma iyo xubno kale katirsan Mamuulka, lakiin isla degmada Nekemate bilahi u dambeysay waxaa ka jiray amni darro bahsan oo sababay dhimaasho iyo dhawaac isagu jiro.

Sidoo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Wollega oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan Xadhiga Loo geystay guddomiyaha magalaada Nekemate.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.