Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay maleeyshiyaadka Canfaarta ay ku qaadeen degmada Alaale oo katirsan galbeedka Gobolka Sitti.

Maleeyshiyaadka Canfaarta oo watay babuur dagaal ayaa la sheegay in ay gudaha Ku dateen deegaankaasi, kadib Dagaal xoogan oo u dhexeeyay maleeyshiyaadka Canfaarta iyo Shacabka Somalida ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka Canfaarta ay rasaas Ku fureen dad shacab oo aan waxba galabsanin. islamarkaana oo Ku dhawaacmay 4 Qof o shacab ah.

Halgan Media waxaay heshay magacayaada Qar kamid dadka Ku dhawaacmay degmada Alaale, waxaana kamid ah

  • Farah Barre

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya galbeedka gobolka Sitti ayaa ku warramaya in xaaladdu ay kacsantahay, islamarkaana dhaq dhaqaaqyo laga dareemyo gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.