Calanka ka kooban midabada cagaarka , buluuga iyo casaanka Siidaamo, ayaa laga taagay dhismayaasha dawladda magaalo ku taalla Ismaamulka Shucuubta Koonfureed , halkaasi uu gobolkaasi qarka u saaran yahay in uu gooni u gootso

Qomiyada Siidaamo waxa ay sheegeen in ay iskood ugu dhawaaqi doonaan maamul federal ah toddobaadkan , dadka siyaasada falan qeeya ayaa sheegay in tallaabadani ay sii holcin doonto xasaradaha siyaasadeed ee ka oogan Itoobiya oo ay horseedi doonto dhiig daata

Magaalada Hawaassa ayaa caasimad u nooqn doonta dawladda la qorsheeyay dad saaran dhug-dhugleyo ayaa yeedhiyenayay dhawaaqa gaadiidka , iyada oo rag dhalinyaro ahi ay yaacayaan jidadka ,kuwaasoo lulaya calamo , waxa ay heeso u dhaqaadayaan dhawaaqa la saadaalinayo

Itoobiya ayaa hadda u qaybsan ismaamul goboleedyo, waxaana uu dastuurku farayaa dawladda in ay abaabusho afti qawmiyadii doonaysa in ay samayso maamul cusub.

Siidaamo ayaa sannado laga cabsi qabay in ay ka baxaan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed oo ay ku nool dadyow kala duwani oo ay qayb ka yihiin, hadda ayey doonayaan in ay sameeyaan maamul u gaar ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.