Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana aheyd mid ay xilalka kula kala wareegeen guddoomiyaha cusub ee magalaada Dirdhaba, Ahmed Buh iyo guddoomiyihii hore ee magalaadaasi Mahdi Gireen ayaa ka dhacay Xaruunta mamuulka Dirdhaba.

Waxgarad, Aqoonyahan iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka ayaa ka qeyb galay munaasabaddaasi siidi ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Gudomiyihii hore ee magalaada Dirdhaba Mahdi Gireen oo warbahiinta u warramay ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay hanaanka loo maray xilka qaadistiisa. Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee maanta la wareegay xilkaasi.

 Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.