Wararka ka imaanaya magalaada Goday ee gobolka Shabelle ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in haatan ay kusugaan yihiin magalaada Goday iyo howlgallo ballaaran ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Afdem ee gobolka Sitti.

Ilo wareedyo ayaa Halgan Media u sheegay in ay arkayeen Ciidamo fara badan oo u ruqaansaday deegaano dhaca duleedka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.