Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay taageero siiyaan argagixisadda kadib markii hey’adaha Faderalka Mareykanka ay sheegeen in ay doonayeen in ay u safraan dalka Masar si ay ugu biiraan Argagxiisada Daacish.

Edeynta dambiga loo heeysto Axmed Mahad Maxamed oo 21 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen oo 20 jir ah ayaa la shaaciyay Isniintii waxaana FBI-da Mareykanku ay sheegtay in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay doonayeen on ay bariga dhexe aadaan si khalalaase uga qayb qaataan.

Labada nin oo degan Magaaladda Tucson ee Gobolka Arizona ayaa helay warqadihii socdaalka ee ay Masar ku tagi lahaayeen balse waxaa lagu qabtay qaybta baaritaanka ee Garoonka Diyaaradaha ee Tucson.

Axmed Mahad ayaa lagu eedeeyay in uu jecelyahay in uu dadka gowraco halka Cabdi Yemeni lagu eedeeyay in uu jecelyahay in uu dadka dilo.

Wakiilo ka tirsan Hey’adda FBI-da ayaa fhalinyaradaan la sameeyay xiriir hoose waxaana sheegeen in ay heleen qorshahooda ku aadan in ay k bar bar dagaalamaan daacish.

Dacwad oogeyaasha Kiisaskaan Gacanta ku haaya ayaa sheegay in hanaanka sharciga ah la marsiinayo wiilasha Soomaaliyeed.