Wararka nagasoo gadhaya magalada Doolo Aado katirsan gobolka Libaan ayaa sheegaya in xalay guryaha lagala baxay shcab badan oo Ree Ogadenia ah, loona taxaabay xabsiga ciidanaka gumeysiga itoobiya.
Dadkan shacabka ayaa waxaan helay qaar kamida magacyadooda waxaana kamid ah,
- Ibraahim Cabdiweli
- Muhuubo Gaas Cabdi
- Niciimo Cabdullahi
Xidhayga baahsan ee loo gaysanayo shacabka ayaa la garanayn sababta ka danbeysa iyada oo gumeysiga Ethiopia oo marba marka ka danbeysa uu sii xoojinayo cunaqabateynta dhinaca cunada iyo isku socodka shacabka Somalida Ogadeniya.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.