Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa laga dareemayaa degmada Yucub.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad fara badan ay buux dhaafiyeen gudaha deegaankaasi.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.