War goor dhawayd ku soo dhacay wakalada Halgan Media ayaa tibaaxaya in maleeshiyo u kasoo jeeda qawmiyada Oromada oo hubaysan ay weerar ku qaaday beeraleey Soomaaliyeed oo aan waxba galabsanin oo kudhaqaan tuulada Malowleh oo katirsan degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintaay weerarka. Niinka la dilay waxaana magaciisa naloogu sheegay Jamal Cabdi. Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegaya in dhaawacyo kale oo kamid ah shacabkii Soomaaliyeed ee lasoo weeraray ay ku jiraan kuwaas oo xaalad adag qaarkood ay ku sugan yihiin.

Maahan markii koobaad ee Maleeyshiyaadka Oromada ay weeraro noocan oo kale oo isugu jira dil, dhac, iyo qafaalasho ay u gaystaan shacabka Somalida ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya.

Bahda Halgan Media waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhamaan ehellada iyo qaraabada ay ka bexeen shuhadada sida xaqdarrada ah loo xasuuqay, Innaa Lilaal wa inaa Ilayhi Raajicuun.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.