Wararka naga soo garaay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Weerar ku fuliyen Ismaamulka Gambella, waxaana weerarka ku dhintay Laba ruux.

Dadka la dilay waxaay ka tirsan hayada loo yaqaan Action Against Hunger (AAC). Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Action against Hunger ayey ku sheegtay in shaqaalahaasi jidka loo galay subaxnimadii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay, xilli ay ku sii jeedeen Xaruntooda lagu quudiyo carruurta nafaqo-darada hayso ee lagu magacaabo Nguenyyil Centre ee Gobalka Gambela.

Hay’addaasi oo Itoobiya ka shaqayn jirtay tan iyo sannadkii 1985-kii waxay ku dhawaaqday inay joojiyeen hawshii ay ka wadeen xaruntaasi, marka laga reebo Hawlaha Gargaarka Degdega ah.

Dhinaca kale, Ciidamada Dowlada Itoobiya waxay bilaabeen baaritaanka dadkii geystay dilkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.