Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in la damiyey dab xalay ka kacay suuqa Akaaki ee konfuurta magalaada Addis Ababa, dabkaasi oo saameeyey qaybo ballaadhan oo ka mid ah suuqaas.
Goobta uu dabku kabilowday ayaa ah makhaayado yaryar oo inta badan shaaha iyo qaadka lagu iibiyo wuxuuna dabku gubay qayb wayn oo kamif ah suuqa Akaaki. Dabka ayaa gaystay khasaare badan oo uu ugaystay dad meherado yar yar kulahaa Suuqa.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee dabku uu gaystay waxaase lahubaa in malaayiin lacag ah ay halkaas kubaaba’aday taas oo ay lahaayeen dad ganacsato waawayn iyo kuwo yar yarba isugu jira
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.