Wararka nagasoo gaadhaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya tuulada Dhakaa oo Jinacsani inyar ujirta ayay maleeyshiyaad Oromo kudileen sedax qof oo shacab Somali ah.

Hiiraad Sheekh Maxamed ayaa kamida dadka ay maleeyshiyaadka Oromo dileen. Sidoo kale xasuuqyo kale ayey maleeyshiyaadka Oromada ugaystaan shacabka Somaliyeed kunool xaduudka Ogadenia iyo mamuulka Oromada.

Mamuulka Oromada iyo maleeyshiyaadka xasuuqda gaystay ayaa weraar kuqaadayo shacab Somaliyeed oo waxba galabsaniin. Halgan Media wuxuu si kulul uu cambaaraynaysaa xasuuqan fulaynimada iyo arxan darrida ah ee shacabka Somaliyeed lagula dhaqmay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.