Waxaa maanta kulan balaadhan oo muhiim ah isugu yimid Waftiga Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada SCF ee kusugan magaalada Dirdhebe iyo Gudiga Fulinta ee Barbaarta Gobolka Shiniile.

Kulanka oo ahaa mid siqiimo badan loosoo agaasimay ayaa kadhacay Hotel kuyaala magaalada Dirdhebe, waxaana kulanka sooxaadiray 12ka xubnood ee Gudiga Fulinta ee Barbaarta Gobolka Siti iyo waliba waftigii SCF ee indhawaalaba halkaas socdaalka kujoogay.

Labada dhinac ayaa isbarasho iyo is nabdaadin kadib kuheshiiyay sare uqaadida Midnimada dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo isku danta ah, waxayna labada dhinac isla qaadaa dhigeen habkii loowada shaqayn lahaa.

Sidoo kale dhalinta Gobolka Siti ayaa sibuuxda utaageeray Isbahaysigii dhawaan magaalada London lagu yagleelay ee Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xoriyada (SCF), kaas oo ay kumidoobeen Jabhada ONLF iyo Ururka SRDA.

Dhalinta Gobolka Siti oo Barbaarta looyaqaano ayaa balanqaaday sidii ay xafiisyo uga furilahaayeen heer tuulo ilaa heer Gobol kuwaas oo lagu fulindoono mabaadiida isbahaysiga SCF.

Gabagabadii kulankii maanta ayaa kudhamaaday is fahan iyo guul, waxayna waftiga SCF udhaqaaqi doonaan dhankaas iyo Dagmada Shiniile oo marti qaad buuxa ay kaheleen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.