Kooxo hubeysan ayaa Xalay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Kiinasaad ku yallo  degmada Dodola oo katirsan Ismaamulka Oromada.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday Kiinasada xili ay ku jireen dad shacab ah oo kasoo jeedo qomiyada Axmaraada siidi ay sheegan wargeyska Ethiopian Observer.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoona Ciidamada ammaanka muddo kooban ay xireen dhaq dhaqaaqyada degaankasi.

Weli ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ee Dowlada Federalka ama Ismaamulka Oromada ka soo saareen weerarkaasi.

Balse maalmihii dambe waxaa Ismaamulka Oromada ka dhacay falal liddi ku ah ammaanka, ee ka dambeyaan kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanayniin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.