Wararka naga soo gadhaay galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Canfaartu dulaan kuso qadeen degmada Cadayti, kadibna hal qof oo shacab ku dileen.

Ilo wareedyo oo kusugaan degmada Cadayti ayaa Halgan Media u xaqijiyay shalay marke tariikhda aheed 29/12/2019 ayey maleeyshiyaadka Canfaarta gudaha uso galeen degaanka Cadayti, kadibna bilabeen inay rasaas ku fureen dadka degaanka.

Weerarka kadib, maleeyshiyaadka Canfaarta ayaa ka baxeen degmada Cadayti, iyo u labteen dhanka ismamuulka Canfaarta. Weerarka waxaa ku dhintaay hal qof oo shacab ah siidi ay xaqijiyeen ilo degaanka ah

Mamuulka fashilmay oo hoogaminayo Mustafa Cagjar weli kama hadlin weerarka loo geystaay degmada Cadayti, iskabaa dhaaf inay tilaabo ka qadaan Ismaamulka Canfaarta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.