Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisada udhaxaysa wadamada Masar, Sudan iyo Itoobiya kuwaas oo siwayn isugu maandhaafsan biyo xidheenka wayn ee taliska Abiy Ahmed kuu kadhisayo galbeedka Itoobiya, kaas oo dowlada Masaaridu ay aad uga walaacday.

Muranka labada wadan oo hada meel xun gaadhay ayaa soo jiitamayay mudo sanado ah waxaana xalkasta oo lasoo jeediyo diidanaa taliska aan gartiisa qaadanin ee OPDO, kaas oo sheegay in uu ka gungaadhi doono dhismaha biyo xidheenka wabiga Nile.

Madaxwaynaha Masar Cabdifatax Al-siisi oo arintan doonaya in uu xal uhelo ayaa caalamka kacodsaday in la dhex dhaxaadiyo wadankiisa iyo xukuumada fashilmay ee Abiy Ahmed, wuxuuna madaxwayne Al-siisi sheegay in ay dhankooda diyaar uyihiin wadahadal xal lagu gaadho.

Dadka arimaha khilaafka labada wadan udhuun duleela ayaa sheegaya in ay lagama maarmaan noqon doonto talaabo mulatari oo ay qaado dowlada Masar, taas oo aad uga awood badan wadankan siiburburaya ee Itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalsoco Halgan Media