Wararka naga soo gaadhaya galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Canfaarta ee loo carbiyay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ku hoos nool gumaysiga Itoobiya ay xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxba galabsaniin.
Sida xogta aan kuhelayno maleeshiyada uu xukuumada Abiy Ahmed sameeyay ee ismamuulka Canfaarta ku abtirsata ayaa maanta xasuuq kagaystay dhulka Somali Galbeed ee gacaanta gumaysiga Itoobiya kujira.
Ilo degaanka ah ayaa shabakada Halgan Media u sheegay inay Maleeyshiyaadka Canfaarta sakaay weeraren tuulada Masulo oo u dhow degmada Cadayti ee gobolka Sitti, waxaana weerarka lagu dilay hal qof shacab la yira Cisman Ciilmi.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.