Qoysas Soomaali oo Qaxooti ku ahaa dalka Uganda ayaa loo diiday in ay ka baxaan dalkaasi, una gudbaan xuduudka dalkaasi la wadaago Kenya.

Telefishinka NTV Uganda oo Wareysi la yeeshay Qaxootigaasi waxa ay u sheegeen in ay ka koobanyihiin 26 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku xayirnaa Deegaanka Malaba ee Xuduudka Uganda  ee looga gudbo dalka Kenya.

Qaxootigaasi oo muddo 6 maalmood ah ku xayiran Xuduudka ayaa waxay ku nool yihiin Xaallad Nololeed oo Adag, mana haystaan cunto, hoy iyo daryeel kale.

Aabe Cabdullaahi Ibrahim Caddow oo kamid ah Qoysaska Soomaalida ku xayiran xuduudka Uganda iyo Kenya waxa uu u sheegay Telefishinak NTV Uganda in loo diiday in ay u gudbaan Kenya.

Waxa uu sheegay in ay ka kooban yihiin labo qoys, kuwaasi oo doonaya inay Kenya tagaan, kadibna u sii gudbaan dalka Hooyo.

Caddow waxa uu sheegay in ay dhibaato weyn ku qabeen Xeradii Qaxootiga ee ay ku noolaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay ku adkaatay in dal 3-aad la djiyo.

Qaxootiga Soomaalida ee haatan ku xayiran Deegaanka la isaga gudbo ee Xuduudka Uganda iyo Kenya waxaa la sheegay inay taageero ka helaan Bulshadda Muslimiinta iyo Masjid ku yaalla Deegaankaasi, oo caawimaad hoy, cunto iyo biyo ugu deeqay.

Dhinaca kale, Telefishinka NTV Uganda waxa uu sheegay in ay Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Uganda la xiriireen, balse aysan wax jawaab-celin ah ka bixinin Qaxootiga Soomaalida ee lagu xayiray deegaanka u dhow xuduudka uu dalka Uganda la wadaago dalka Kenya.

Qaxootiga Soomaalida ayaa wadama qaar kula kulma Xabsi iyo dhac,waxaana haataan qoysas ay sheegeen in nolol adag ku haysatay Uganda ayna doonayeen in Kenya ay uga soo gudbaan Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.