Xildhibaanada laga doortay Maleeyshiyaadka Ahlusunna ee uu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa dowlada Soomaaliya Ku eedeeyay in ay af-duubatay guddiga doorashada Galmudug ee madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka Galmudug.
Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana Maanta kulanka doorashada ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug.
Wararka aan ka heleyno Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow ay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ee ugu jira Baarlamaanka Galmudug ,iyaga oo qaarkood sheegay in dowladda Soomaaliya afduubatey guddiga doorashada Galmudug.
Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Ahlusuna ugu jira Barlamaanka Galmudug ayaa daba socota xilli maalmihii la soo dhaafay ay hogaganka Ahlusunna loolan ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.