Wararka nagasoo gadhaay gobolka Qorahay ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Dhobaweyn ee gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga degaanka Dhobaweyn.

Sidoo kale Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadan ay salka ku heyso aanooyin Qabiil, weli ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.