Allaha u naxariistee fannaankii Daa’uud Cali Masxaf ayaa maanta lagu aasayaa Magaaladda Jigjiga ee caasimada Somali Galbeed sida ee sheegen ilo degaanka ah.

Ilo degaanka ah sheegay in ay maanta oo sabta ah Faanaankii Soomaaliyeed Daa’uud Masxaf lagu aasayo Magaaladda ay Jigjgiga,ina u wakiisheen duugtiisa Fanaaniinta iyo Abwaanada ku sugan Xarunta Somali Galbeed.

AUN Daa’uud waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellah Dhexe qiyaas ahaan dhammaadka kontomeeyadii , wuxuuna fanka bilaabay isaga oo da’yar  sannadkii 1974 , wuxuuna ka mid noqday koox Yooko la odhan jiray.

Sannadkii 1980 ayuu Cumar Cabdille Shooli uu  ka soo kexeeyey magaalada Jowhar isla markaana ku daray Hobelada Waaberi , isaga iyo Maxamed Aadan Shamuuri oo ay kooxda Yooko ka wada tirsanaayeen.

Burburkii Soomaaliya ka dib wuxuu ku noolaa inta badan dalka Jabuuti oo ah meesha uu ku duubay heesaha Kabanka ah ee qaarkood Xasan Aadan qaaday ee dadku aadka uga dareemaan gacantiisii macaanayd e cuudka la heshiiska ahayd .

Daa’uud wuxuu noqday sidoo kale heesaa iyo Mullaxan aad loo jecelyahay . laxannadiisa u cajiibsan waxa ka mid ah laxanka heesta Daalo oo uu allifay sannadkii 1985 isla markaana ay Maandeeq la qaaday eryadii Axmed Ducaale Ciiray.

AUN Daa’uud Cali Musxaf ayaa ugu dambey shalay oo jumco aheed galinkii dambe ku geeriyooday Somali Galbeed,waxa uuna iska uga tagay Sagaal Caruur ah oo ku kala nool Magaalooyinka Muqdisho iyo Jigjiga.

Warkan yo wixi kaso kordha kalasoco shabkada Halgan Media.