Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo shisheeye kasoo jeedo dalka Uganda qarax lagula eegtay degmada Huriwaa ee maglaada Muqdisho, kadib markii miino dhulka lagu aasay, wararka ayaa intaasi ku daraya in markii qaraxu dhacay kadib rasaas ay fureen ciidamada shisheeye ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsaniin.
Tirada dadka ay maanta laayeen ciidamada Shisheeyaha ayaa ah sedax ruux. Xaaladda degmada Huriwaa ayaa kacsan waxaana goobta oo Xasuuqa ka dhacay weli laga maqlayay rasaas teel teel ah oo ciidamada Shisheeyaha furayeen.
Sidoo kale Qaar ka mid ah Ehelada dadka ay Saakay dileen ciidamada shisheeyaha ayaa si cara leh waxa ay sheegeen in ay aad ugu xun yihiin dhibaatada joogtada ah oo ay geysteen ciidamada Shisheeyaha oo dalka dulaan ku joogo.
Waxaa ayna shabakada Halagn Media ugu baaqeen in si deg deg ah Dowlada Soomaaliya dhacdaada fosha xun ee ciidamada Shisheeyaha geysteen uga soo jawaabaan, iyagoona fariin u diray Madaxwaynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya iyo mamuulka gobolka Banaadir.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.