Waxaa shalay iyo maanta dagaal xoogan ka socda degmada salaxaad oo u dhaxeeya laba beelood oo walalo ah. Halka oo khasare dhimasho iyo dhaawac ba leh ka dhashay.

Isku dhaca beelaha oo ku bilowday is qabqabsi dhul daqsimeed kaso markii danbe isu badalay gacankahadal.

Shacabkan walalaha ah oo wada daganaa mudo qarniyaal ah ayaa dhibatadoodu tahay mid soo noqnoqota wax xal ah naa aysan ka gaadhin dawlada deegaanka ka arimisa.

Dagaalkan oo qarxay shalay aroortii ayaa socday ayaa istaagay galabta makhribkii asago kasaaro badan ka dhashay labada dhinac baa ay jiraan.

Lama garanayo in dib aroortii u bilaaban doono dagaalku lkin waxaa caawa gaadhay goobtii dagaalku ka socday ciidamo aad u tiro badan oo ah ciidamada liyu boliska deegaanka oo ka soo galay goobta sadex jaho oo u hogaaminayo hogaanka nabadgalayada deegaanka .

Kadib markay gaadheen ciidanku goobtii waxaa dib u soo laabatay xasiloonidi walow ay jiraan jahooyin badan oo ciidanku ku sugnayn lagana cabsi qabo in ay aroortii ka bilaabato dagaal kale.

Shaafi Duulane Halgan Media Jigjiga