War saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in Duqeyn ay ku beegsadeen qaar kamid ah xubno kamid ah dagaalamayaasha Al Shabaab.

Weerarka oo ahaa dhanka cirka ayaa sigaar ah kaga dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin xarakada Al Shabaab.

War saxafaadeedka kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in lagu qaarijiyay labo kamid ah saraakisha Al Shabaab, iyadoona sidoo kale sheegay in qiimeen ay sameeyeen weerarka kadib ay ku xaqiijiyeen in ay waxyeelo soo gaarin dadka shacabka ah.

Weerarada dhanka cirka ah ee dowladda Mareykanka ka geesato Sommaaliya ayaa u muuqda kuwo sanadka sanadka kasii danbeeya sii kordhaya, iyadoona sanadkii tagay ee 2019 uu noqday kii ugu badnaa markaas oo ay diyaaraha Mareykanka gudaha Soomaaliya ka gaysteen in kabadan 60 weerar oo dhanka cirka ah kuwaas oo badankood lala beegsaday goobaha ay dalka kaga suganyihiin xubnaha katirsan Xarakada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.