Warar sugan oo Halgan Media ka soogaadhay gobolka Qorahay ayaa sheegaya inuu Gudomiyaha Gobolka Qoraxay ee EPP Maxamed Nuur Gaade uu weerar ku qaaday dhamaan xafiisyadii JWXO ee ku kala yaalay inta udhaxaysa Degmada Qabridahar iyo Degmada Dhanaan isagoo gacantiisa ku dajiyay dhamaan calamadii sudhnaa Tuulooyinkaas.

Wuxuuna xidhay Gudoomiyihii JWXO ee Degmada Laas-Dharkaynle Shaafi Faarax siidi ay xaqijiyeen ilo degaanka ah oo diidaay ina magaciis u adeegsano warbahiinta.

Siidi kale Askar uu watay Maxamed Nuur Gaade waa gudoomiyaha EPP ee Qorahay ayuu ku dalbaday dadkii xubnihii JWXO ee hor istaagay in calankooda la dajiyo isagoo qaar kamid ah xubnahaas jwxo xabsiga u taxaabay oo ay caawa kujiraan jeelka magalaada Qabridahar ee xaruunta gobolka Qorahay.

Siida ay muqaato waxaay kooxda EPP cagta sareen wadaada EPRDF oo ah in La cadaadiyo shacabka dulmaan ee Soomaaliyeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.