Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Amxaarada ayaa sheegaya in Jabhad cusub ka dilaacday gobolkaasi.

Maamulka u qaabilsan magalada Gonder oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Jabhad cusub ay ka dilaacday degaankaasi oo sababay in amaanka gobolka Faraha ka baxo.

Maamulka magaalada Gonder ayaa ku daray in kooxdan ay bilaabeen inay dadka laayeen, isbaaro dhigteen qaybo kamid ah gobolka iyo xittaa canshuur ka qaataan qaar kamid ah ganacsatada ka howl gallo gobolkaasi siida ay sheegan wargeyska Ezega.

Sidoo kale maamulka magaalaada Gonder ayaa kooxdan ku eedeysay inay dhowr isku dhacyo dhex maray iyaga iyo ciidamada Amaanka, waxaayna mamuulka magalaada Gonder siiyeen ila 1da bisha inay isku dhiibaan Maamulka ama talaabo deg deg laga qaadi doono sida ay wararka u dhigeen wargeyska Ezega oo kusoo baxa luqada Xabashida

Sidoo kale waxaa aad looga shaki qabaa inay kooxdan cusub xariir la leyihiin kooxda FANO oo ah dhaq dhaaqa ka howlgalo ismaamulka Amxarada oo wadeen kacdoon ka dhan ah Taliska Tigreega xiliga ay dalka ka tali jireen TPLF.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.