Wararka nagaa soo garaay gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadan qayba kamid degaano ku yallo gobolkaasi

Siidi aan xogta ku helnay ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dulaan ku joogo dalka Soomaaliya waxaay Xalay soo gaareen meel ladhaho isku darka oo udhaxaysa magalaada Baydhabo iyo degmada Awdhiinle ee gobolka Bay

“Isku darka” waa koontarool ay ka baxaan illaa 4 waddo oo kala aadda magalooyinka Baydhabo, Xudur, Wajid iyo Dinsoor.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay maanta barqadii ayay ciidamada Itoobiya qaar uruqaansadeen dhanka magalaada Baydhabo lakiin gaadiidka oo 100 ka badan wali qaar baa meesha taagan

Siido kale waxayna ubadantahay in ciidamadan marka hore ay tagi doonaan garoonka Baydhabo oo ah taliska ugu weyn ee xabashida Itoobiya uga suganyihiin Soomaaliya.

Ilo wareedgo ku sugan magalaada Baydhabo wuxuu sheegay in ciidamadan ay dhanka muqdisho qaban doonaan oo ay maamulka koonfur galbeed iyo ciidanka itoobiya ufuri doonaan wadada xiriirisa muqdisho iyo baydhabo oo muddo 3 sana ah xiran.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.