Jabhada Sidama National Liberation Front (SNLF) ayaa eedeymo culus u jediyay dowlada federalka Itoobiya, iyaga oo ku eedeeyay xukuumada Abiy Ahmed xukunka deg deg ah oo uu dalka kusoo rogay uu u isticmaalayo in la beegsado xubnahooda iyo taageera’yaashooda.

laga soo bilaabo 19ka bisha April, waxaa ismamuulka shuccubta koonfureed lagu xidhay 6 xubnodo oo katirsan Jabhada SNLF, waxaana xubnahaan dhamaan lagu xidhay magaalada Hawassa xiliyo kala duwan sida ay wararka u dhigeen.

Dowlada federalka, weli kama jawaabin eedeymahan. Jabhada SNLF waa mid kamid ah ururada hubeysan oo kasoo laabtay dalka Eritrea 2018kii.

Warkan iyo wixi ka soo kordha kala soco Halgan Media.