Wararka nagasoo gaadhaya degmada Baabili ayaa sheegaya inuu dagaal culus udhexeeyo maleeyshiyaadka Oromada iyo shacabka Somalida kasocdo degmada Baabili iyo agagaarkeeda.

Inta lahubo waxaa dhanka Somalida kadhawacmay laba wiil oo lagu kala magacaabo Maxamed Yusuf Mumin iyo Siraaj Ahmed Faarax. Dagaalkan ayaa ilaa xalay 12 habeenimo xiliga Bariga Afrika kasocday degmada Baabili iyo shacabka kunool degmada waxaay kaseexan wayeen dhawaaqa rasaasta.

Dagaalada nocanoo kala ah ayaa weli kasii socda xadka Ogadenia iyo Oromia. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.