Waxa baryahan wafti ka socday jabhada wadaniga xoraynta ogadenia ee(JWXO), socdaal ay ku marayeen degmooyinka bariga gobolka Dollo ay halka ka qabteen shaqooyin muhiim ah.
Waftigan oo isugu jira Golodhexe iyo gudi fulin ayaa ugu horayn waxay ku hormareen degmada Galaadi iyo tuuloyin hoos yimada kadibna oga anba baxeen degmada Bookh siina gaadhay degmada Galxamudh.
Wafigan oo inta ay ku gudajireen socdaalkooda degmooyinka iyo tuuloyinka dadka shacabka ah ee ku nool ay usoo dhaweeyeen si diiran ayaa waxay goobaha ka fuliyeen wacyi galinta caabuqa covid-19 ee caalamka faraha kulul ku haya sido kale waxay fawtigu nawadageen barnaamijka siyaasadeed ee ururka ONLF iyo hawlihii iska abaabul ee iska caadigan ahaa.
Socdalka waftiga oo shacabku aaga ku dhaqan si aad ah ugu diirsadeen ayaa waftigu waxay wali ku guda jiraan socdaalkoodii halka oo wali ay ku suganyihiin.
Shafi Dulane Halgan Media.