Ayado todobaadka shir ay ku jireen barlamaanka deegaanka Somalida lagaga hadlayayna ajanda yaal horyaala xukumada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inay maalintii shalay ansixiyeen barlamaanku in bandow lagaliyo magalada Jigjiga.
Gaar ahaan suuqyaha dharka suuqa qudhaarta meheradaha iyo goobaha jaadka lagu gato sida darteed shacabka deegaanka Somalida oo ah dad sabool ah kana raadsada nolol maalmeedkooda shaqooyinka ay ka xoogsadan suuqa ayaa arinkaas aad oga walacay.
Sido kale caqabada ugu wayn waxay soo wajahday dukaamada dharka oo sheegay inay ku jireen bishi barakaysnad ee ramadan hadana safaradii dharka u yimaadeen una furanyahay suuqu si looga gato dharka ciida.
Sido kale waxaa ayaguna arinkan ka biyo diiday suuqlayda qudaarta oo laa fadhiista baraxyada halka oo ay ka raadsadaan nolol maalmeedkooda.
Xalay ayay soo baxday arinkan inay ansixiyeen baarlamaanku xidhida suuqa lkin ilaa maanta suqyada magalada jigjiga free ayay ahaayeen walow ay soo baxayaan warar sheegaya in maalinta bari ah laa xidhi doono suuqyada magalada dadkuna aad oga walacsanyihiin.
Mar aan fikirkooda wax ka waydiinay dadwaynaha waxay noo sheegeen inay ku fiicnaan lahayd bandawgu marka ciida laga baxo lkin xiliga ciida ee lagu soo hagaajiyay ay khasaaro u keeni karto ganacsatada iyo suuqlayda danyarta ah.
Shafi Dulane.