Maraykanka oo ku xadgudbay Xabbad-joojintii QM, xilli ay sii socdaan Duqeymaha Somalia.

Xilli uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ku baaqay Xabbad-joojin Caalamka oo dhan bishii Maarso ee sanadkan ayeysan Maraykanka joojinin Duqeymaha ay ka geystaan gudaha Somalia.

Farinta Xabbad-joojintaasi waxay ku wajahnayd dhamaan Dowladaha iyo Kooxaha Hubeysan ee ka hawlgala dalalka ay colaadaha ka socdaan, si fursad loogu helo Ka-hortaga Caabuqa COVID 19 iyo in loo gurmado dadka la xanuunsan Xanuunkaasi dilaaga ah.

Inta badan dalalka Caalamka waxay taageereen Tallaabadda Xabbad-joojinta ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe (QM) balse, Dowladda Maraykanka uma dhega-nuglaanin Codsigii QM.

Hay’addaha Caalamiga ee u dooda Xuquuqda Aadanaha waxay walaac xooggan ka muujiyeen khasaaraha dadka Rayidka ka soo gaaray Duqeymaha ay Maraykanka la beegsadaan Deegaanadda ay Alshabaab ku xoogan yihiin ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty International iyadoo isticmaalaysa Sawirada Dayax-gacmeedyada iyo kuwa lagu qaado Mobaylada waxay baaritaano xooggan ku haysa wararka sheegay dhimashada dadka rayidka, oo badankooda aysan u xisaabsanayn Taliska AFRICOM oo iyaga aan faahfaahin ka bixinin khasaaraha dadka rayidka.

Baare Hubka oo lagu magacaabo Barayn Kastner oo ka tirsan Hay’adda Amnesty Internatioonal waxa uu sheegay in marka ay dabagal ku sameeyaan magacyada Dhibanaayasha lagu dilo Duqeymaha Maraykanka inay helaan Sheeko xaqiiq ahaan ka duwan Sheegashada AFRICOM.

Bishii April ee la soo dhaafay, Taliyaha Taliska AFRICOM, Jeneral Isteefin Townseed waxa uu xaqiijiyey inay 2 qof oo rayid ah ku dileen, 3 kalena ku dhaawaceen Duqeyn ay bishii Feberaayo 23-dii ee sanadkii hore ka geysteen gudaha Somalia

Qirashadaasi ayaana ah tii labaad ee Taariikhda oo ay AFRICOM ku qirtaan inay dad rayid ah ku dileen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia.

Dhinaca kale, Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay ugu yaraan 40 Duqeyn ka geysteen Somalia tan iyo bilowgii sanadkan 2007-kii, halka ay in ka badan 40 Duqeyn geysteen sanadkan.

Halgan Media.