Dagaal xoog leh ayaa waxa uu ka socdaa Deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ee Xaruunta gobolka Bay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaalkaas iyadoo khasaaraha ka dhashay weli aan la ogaan Karin.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray Xarunta Ciidanka Meliteriga ku lahaayeen Deegaankaasi, iyadoo hubka kala duwan la maqlayey.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintaay Gaashaanle Maxamed Isxaaq Abaanduulihii Qeybta Lixdanaad taas oo ugu dambeyn udhintay Dhaawacii soo gaaray.

Al Shabaab oo baraha internet-ka wararka ku faafsadaan waxay ku sheegeen in guul weyn ka gaareen dagaalka oo weli socda.

Halgan Media.