Tuulada Qamuuda oo ka tirsan degmada Lahelow ee gobolka Dollo ayaa xalay lagu dilay labo nin halka mid kale dhaawac yahay. Dilkan oo ku baxay gacan sokeeye labo qabiil oo walalo ah wada dagana deegaanada.

Hadaba dhibaatadan oo daba socota isku dhac hada ka hor ama isku qabsi deegamayn tuulada Ismoday ayaa waxay ahayd mid dhiig ku daatay halka oo xal laga gaadhay hadaba habaynka caawa ah ayaa dhinac ka mid ah dhinacyadii is hayay ku dileen labo nin tuulada Qamuuda.

Arinkan oo ah wax aad loga xumaado horkacaysana colaad sokeeye ayaa bulshada ku nool gobolada Qorahay iyo Dollo aad u canbareeyeen ayago ku tilmaamay inay dad dano gaar ah leh dabada ka riixayaan colaadan dadkas oo ah qaswadayaal dhibaato abuur ah.

Hadaba madama dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Somalida ay hada ka hor siyaasad ahaan laysugu layay ayaa hadana waxa laa doonayaa in maqigii ka soo hadhay colaado qabiili ah laysugu laayo arinkas oo xal ka gaadhisteedu ku fashilantay xukumada deegaanka.

Halgan Media.