Waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay bulshada ku dhaqan gobolka Dollo dhismaha Isbitaalka Wardheer oo ay filayeen inu daboolo bahida caafimaad ee guud ahaan degmooyinka iyo tuulooyinka u ka kooban yahay gobolka Dollo.

Isbitaalka oo u dhagax dhigay bilaabayna dhismihiisa Cabdi Maxamud Cumar 4 sano ka hor ayaa ilaa hada dhamaystirmin asago jiitamayay dhismihiisu mudada inta dhan.

Isbitaalka oo ku yaala galbeedka magalada Wardheer ama xero ay lahayeen ciidanka Itoobiya xerada magaceeda oo ay u yaqaanaan heer Wardheer (lamagalay) agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa Isbitaalka waxa u ku fadhiyaa dhul baxad wayn oo ku filaan kara qaybaha dhismaha ee kala duwan.

Hadaba dhisma Isbitaalka oo larabay inu goor hore dhamaado ayaa ilaa hada socda asago hada noqday ka guur ama khasaare aan adeeg bixin karin ama laga guuray gabi ahaan baa sababto ah dhismaha oo ay ku baxday malayiin birr ayaa dhisaynkiisu noqday mid aan ku haboonayn hospital.

Khasatan dhismaha guryaha oo yaryar ama gaagaban lahayn qaybaha jiifa amarjansiga bukanjiif iyo qaybaha umulitaanka asago meeshii larabay in laga dhiso ugu badaan 20 baloog ugu yaraana 15 baloog ay noqdeen 4 baloog intii kale hawada laga saray.

Hadaba inta ladhisay guryaha oo aan lahayn wax tayo ah qaar jajabeen dildilaaceen kadib markii laga yareeyay sibidhkii ama laysu qiyaasin ciida iyo biyaha lagana shaxaaday ama musuq lagaliyay wixii logu talagalay ayaay noqdeen guryihii kuwa aan lahaan karin cimri adeegna siin karin bukaanka.

Hadaba hospitalkan oo logu talagalay inu  noqdo (referal hospital) oo u dhamaystiranyihiin qabihii kala duwana sida qaliinka fudud badhitaanka cudurada bukaan jiifka inu adeeg hufan siiyo lagu talagalay dhamaan baa gobolka Dollo bulshada ku nool degmo iyo tuulo ayaa noqday mid rajo beel ku rida dhismihiisu shacabka asago qaabkiisa aad moodi (health center) nooca tuulooyinka logu talagay arinkaas oo shacabku rajo xumo ku riday.

Sida darteed mar anu su’aalo ka waydiinay heer Wardheer sababtay waxan u dhaceen ayay waxay noo sheegeen in musuq lagaliyay misaniyadii logu talagalay dhismaha, dhibatada kale oo shacabku sheegeen waxay ku tilmaameen in ninka qandaraaska qaatay ee dhisayay hayn heer Dollo kana soo jeedo gobol kale oo deegaanka ah.

Kuna helay qandaraaska garabayshan eex/ ninjeclaysii sida darteed u lunsaday lacagtii u naa dhisin hosbitalka si aan wadaniyad lahayn lahaansho lahayn taas oo u ku tagri falay hantidii logu talagalay cid wax ka qabatayna majirto oo laa xisaabtantay.

Sidaa darteed hospitalka oo socday dhismihiisu 4 sano ayaa gabagabadiisii noqotay ka guur ayado wali ay u adeeg doonta shacabka Wardheer hosbitalkii hore ee dagmada kas oo lahayn tayo adeeg ku filan shacabka siin ayado xita gabadha foolata ee dhali waydo loo soo qaado jigjiga oo 550 kiloomitir u jirta wardheer lagana yaabo inay dhex ku dhimato hooyadaas.

Bilawgii sanadkan oo madaxwaynaha deegaanku mudane Mustafe Muhumed Cumar tagay gobolka Dollo xarunta wardheer ayuu dhagax dhigay hospital cusub oo kii hore dhiniciisa ah halkas oo dhismihiisii socdo meel fiicana marayo.

Shacabka Dollo oo aad oga fog xarunta deegaanka kuna nool deegaan aad u balaadhan ayaa dhibatada haysata waxay ku tilmaameen adeega caafimaadka oo meesha ka maqan farmashiyo ficana aan haysan ayaa baaq u diray in xukumada deegaanku hospitaal deg-deg logu dhiso cidii lunsatay ee musuqday hantidii hospitalka logu talagalayna sharciga loo hor keeno.

Halgan Media.