Cabasho kasoo baxaysa shaqaalaha ushaqeeya shirkada inter barayska ee fulisa mashruuca biyo galinta ee laanta ka shaqaysa degmada Gursum ee gobolka Fafaan gaar ahaan Mambas.
Shaqaalo gaadhaya tirada 100 kor udhaafaya oo isugu jira rag iyo dumar Somali iyo Itoobiyaan una badan Somali ayaa mushaarkoodi kamaqan yahay mudo 6 bilood ah.
Lixdaa bilood ayaa waxay shaqaysteen sadex bilood halka ay sadexda kalana kuqadatay inta ay sugayeen mushaar kooda (sadex bilod oo ay shaqaysten ayaa waxay kuqadatay sadex kale inay ufadhiyaan oo ay sugaan)
Dadkan shaqalaha ah ayaa ah dad masaakiina oo xoogsata ah una badan dad gobolada ka yimid oo aysan ehel ujoogin goobta ay kusugan yihin ee magalada Jigjiga.
Waxayna subax walba hortuban yihiin xafiiska guud ee shirkada inter barayska ee kuyaala magalada jigjiga lamana qanciyo oo lama siiyo mushar kooda.
Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.